Biixi oo walaac uu qabo maamulkiisa hordhigay wakiilka UN-ka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa ku kulmay magaaladda Hargeysa, maanta oo Khamiis ah.

Muuse Biixi Cabdi iyo James Swan waxaa shirka ku wehliyey xubno ka tirsan labadda dhinac oo qodobadii laga hadlay ay quseyso.

Yaasiin Faratoon, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa warbaahinta uga warbixiyey qodobadii diiradda lagu saarey kulanka.

Sidda uu ka dhawaajiyey Faratoon, Biixi ayaa u sheegay Swan in maamulkiisu saluugsanyahay kaalmadda Beesha Caalamka u soo mariso dowladda federaalka Soomaaliya.

"Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in fariintaan uu gaarsiiyo Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay," ayuu Faratoon xusay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in wada-xaajoodka lagu soo qaadey sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladda Muqdisho iyo Hargeysa ee hakadka ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

"Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in Somaliland diyaar u tahay in ay ka garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah," ayuu wasiir Faratoon hadalkiisa ku daray.

Dhankiisa, Swan oo wariyeyaasha la hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dhowaan dib loo bilaabo wada-hadaladda labadda dhinac.

Wada-hadaladii hore oo ka qabsoomay dalal kala duwan kama aysan soo bixin natiijo wax ku ool ah, waxayna dhalisay in aan dib dambe la isugu soo laaban lana sii kala fogaado.

Hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku celceliya in ay diyaar u yihiin wada-xaajoodka, balse ma qaadin talaabo, taasoo la sheegay in ay rajo xumo ku riday shacabka.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM