Booliska Somaliland oo goodiyey rayidka kadib hadalka mucaaradka

Image
Taliyaha bileyska, Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ku hanjabay in ay fooda is-dari doonan cid kasta "rabshad sameysa".

HARGEYSA, Somaliland - Taliska Booliska Somaliland ayaa wuxuu ugu goodiyey shacabka in ay "fooda is-dari doonan ciidamadda" haddii ay sameeyeen isku-soo-baxyo ay ku taageerayaan xisbiyadda mucaaradka.

Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, taliyaha bileyska maamulkan gooni-u-goosadka ah oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa wacad ku maray in aysan u dulqaadan doonin banaanbaxyada.

Dabagale oo hadalkiisa sii wata ayaa cod dheer wuxuu ugu baaqay dadweynaha in ay "iska wataan nolol maalmeedkooda caadiga ah" isla markaana aysan la kala safan dhinacyadda isku-haya siyaasadda.

"Booliska waxay iska hor-yimaadaan qof kasta oo skarci darro ka shaqeeya, qof kasta oo rabshado sameeya, sidaas darteeda, muwaadin gurigaaga joog kuna garab istaaga booliska amniga iyo xasiloonida," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Dabagale, ciidamadda booliska ayaan wax talaabo ah ka qaadi doonan "cid kasta oo aan ku lug lahayn wax rabshado ah" balse ma caddeyn haddii ay ogol yihiin mudaaharaadyo nabadeed.

"Booliska wuxuu ilaaliyaa amniga iyo xasiloonida wuxuuna ka hortagaa rabshadaha,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Dabagale oo muujiyey in heegan buuxa la geliyey dhamaan qeybaha ciidamadda.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xalay waxay ku dhawaaqeen in aysan aqoonsaneyn madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa. Balse, maamulka oo ka jawaabay wuxuu go'aankaas ku sifeeyay "ayaan-darro weyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM

Madaxwayne Cirro oo soo dhisay xukuumada cusub ee Somaliland

Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood kuwaas oo badankood xubin ka ah xisbiga Wadani.

  • Somaliland

    14-12-2024

  • 12:54PM