Boris oo kamid ah madax ka hadashay dabka suuqa Hargeysa
HARGEYSA, Soomaaliya - Dab xoogan ayaa la sheegay in uu fiidnimadii xaley ka kacay bartamaha magaalada hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.
Dabkan oo saacado badan ay qaadatay damistiisa ayaa ku fiday qeybo badan oo ka mid ah magaalada, taas oo balaadhisay baaxadda Khasaaraha.
Qaar ka mid ah dadka ay waxyeellada kasoo gaaray dabka oo warbaahinta la hadlaye ayaa sheegay in wixii hanti ay hayeen ay iskugu geeyeen xarumahooda ganacsiga maadaama ay isku diyaarinayeen ciida soonfurta oo ah waqtiga sida aad ka ah loo ganacsado.
Meheradda ugu yar ayaa lagu qiyaasay in lacag ka badan $100 kun ay ku gubatay taas oo laga cabir qaadan karo inta uu la egyahay khasaaraha.
Gabadh ka hadleysay arintan ayaa tiri, “Uma maleynayo dadka in ay u hartay hanti kale, sababtoo ah dadka waxey isku diyaariyeen labada ciidood ee inta badan ganacsiga wax laga faa’iido, aniga qiimaha meheradeyda waxaaan ku qiyaasayaa lacag aan ka yareyn illaa $300 kun.”
Ciidamada dab damiska Somaliland ayaa si aad ah iskugu hawlay inkastoo dabka oo aad u awood badnaa darteed ay tahli waayeen in ay xakameeyaan.
Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gurmad lasoo gaartay iyagoo si toos ah uga qayb qaateen hawlaha dab damiska.
Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiye Ahmed ayaa qoraal ku qornaa Afka Soomaaliga soo dhigay bartiisa Facebook asagoo uga tacsiyadeeyay shacabka Hargeysa dhibaatada kasoo gaartay dabka.
Qoraalkan ayuu ku yiri, “Waxaan aad uga naxay, kana tiiraanyooday dabka ka kacay Suuq-weynaha badhtamaha Hargeysa, kaas oo khasaare ballaadhan u geystay hantidii Shacabka. Hadda lama qiyaasi karo Khasaarahaas. Waxaannu Shacabka Somaliland La qaybsanaynaa murugada dhibkaas ku yimid. Waxaannu u sheegaynaa inaannu garab taagannahay Waqtigan aad ka u adag. Waxaanu Eebbe ka rajaynaynaa inuu Khasaarahaas dheef ugu beddelo xilligan aannu ku jirno Bisha barakaysan ee Ramadaan. Eebbe ayaa inna leh, xaggiisana weynu ku-noqonayaa.”
Madaxweynaha maamulka iskiis ugu dhawaaqay madaxbanaanida ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal uu isna soo dhigay bartiisa Facebook uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Itoobiya sida ay u garab istaageen shacabka reer Somaliland xilligan adag waxa uuna yiri, “Mahadsanid mudane Ra’iisal Wasaare, waxa aan kaaga mahad-celinayaa adiga, shacabka iyo dowladda Itoobiya sida wanaagsan ee walaaltinimada leh ee aad noogu soo gurmateen wakthigan adag, shacabka jamhuuriyadda Somaliland wey xasuusnaan doonaan garab istaagiinnan.”
Xubno ka tirsan madaxtooyadaa Somalilad ayaa sidoo kale uga tacsiyeeyay shacabka ku hanti beelay musiibada dabka ayagoo sheegay in ay murugada la qaybsanayaan markasta ay garab taagan yihiin dadkooda.
Farmaajo ayaa isna khadka Taleefonka kula hadlay Muuse Biixi, isagoo sheegay inay dowladda Soomaaliya gacan ka geysan doonto gurmadka dadka xoolahooda ku waayay Dabka.
GAROWE ONLINE