Buhoodle oo Wasiir ka tirsan Somaliland lagu soo dhoweeey [Daawo]

Image

BUHOODLE- Wafdi ka socda maamulka Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka howlaha guud iyo gadiidka ayaa gaarey magaalada Buhoodle ee gobolka Cayn.

Cabdirashid Ducaale Qanbi oo Madaxweyne Muuse Biixi ku badalay Wasiirkii hore caafimaadka Somaliland Xagla-toosiye ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buhoodle, waxaana la mariyey dhamaan jidadka magaalada iyada oo ay galbinayaan gadiidka dagaalka.

Wasiirka cusub ayaa waxaa la socda wafti ka kooban saraakiil dowladeed kuwasoo kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Buhoodle.

Wararka la xiriira safarka Wasiirka ayaa sheegaya iney u socdaan ka qayb galka gogol Nabdeed oo la dhigayo degaanka Qorile ay xadka wadaagaan Gobolada Sool iyo Nugaal. 

Booqashada Wasiirkaan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisad ka dhex taagan tahay maamulka Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ayaa weerar ay ku soo qaadey Tuulada Tukaraq ku qabsatey Jan 8, 2017.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka ayaa kasoo jeeda degaankaas oo ay Dowlada Puntalnd sheegto iney kamid yihiin Gobolada maamulkaan hoos taga.

Beelaha daga Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxa ka dhextaagan khilaaf siyaasadeed oo sababey iney u qaybsamaan labada maamulka ee Puntland iyo Somaliland.

Maamulka Somaliland siyaasiyiinta kaga jirta  goboladaan ayaa ah kuwo booqashooyin joogta ah ku taga degaanada ay kasoo jeedaan halka dhinaca Puntland xubnaha ku sugan aysan inta badan dhaafin magalaada Garowe. Halkaan ka daawo soo dhoweynta iyo khudbado la jeediyey 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM