Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland
Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si diirran u bogaadiyay hadalkii uu dhawaan jeediyay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo si cad u muujiyay garab istaag uu u hayo qadiyadda Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa ku tilmaamay hadalka Rooble mid ay ka muuqato garasho siyaasadeed iyo aqoonsi dhab ah oo ku wajahan horumarka Somaliland. Waxa uu ku dhiirrigeliyay siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed inay qaataan dariiqaas, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo la neceb horumarka Somaliland ama si toos ah u diidan in la aqoonsado jiritaankeeda.
"Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, oo muujiyay geesinimo iyo daacadnimo siyaasadeed," ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Dhanka kale, Cirro ayaa si kulul u dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay si bareer ah faragelin ugu hayso arrimaha gudaha ee Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso talaabooyin aan wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
“Somaliland meel ay u socoto way garanaysaa, cidna dib uma celin karto. Bahal waraabe ahna lama la gaadhi karo, hadal xun-na waxba lagaga tari maayo. Maanta Somaliland waa qaran buuxa, oo leh xuduudo la yaqaan, dad la yaqaan, go’aan cadna ka qaatay mustaqbalkiisa,” ayuu yidhi Cirro.
Madaxweynaha ayaa mar kale xusay in Somaliland ay nabad rabto, isla markaana ay diyaar u tahay inay si nabad ah ula noolaato dalalka jaarka la ah, balse aysan marna ogolaan doonin in la fara galiyo xuduudaheeda ama la keeno is-hortaag horumarkeeda.
Dadka ku nool Laascaanood ayuu ku tilmaamay inay yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, isagoo adkeeyay in Sool iyo Sanaag yihiin gobollo rasmi ah oo ka tirsan Somaliland, isla markaana difaacooda uusan gorgortan gali doonin.
Hadalka Cirro ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu dhaleeceeyay qaabka ay dowladda Soomaaliya u wajahday arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in hab-dhaqanka Villa Soomaaliya uu yahay mid dhaawacaya rajadii dib-u-wada hadal iyo isu-soo dhowaansho.
GAROWE ONLINE