Dalka martigelinaya wadahadalka DF iyo Somaliland oo la shaaciyay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in wadahadalka maamulkiisa iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya uu 19-ka bishaan Maaj ka bilaabanayo magaalada Accra, caasimada Ghana.

Muuse Biixi ayaa intaasi ku daray in wadaxaajoodyada ay garwadeen ka noqonayaan Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska, iyada oo isku daridka shirkaasi uu leeyahay wadanka Turkiga.

"Shirkaasi waxaa lagu dhisayaa Guddi caalami ah oo kala dhex-gala Soomaaliya iyo Somaliland," ayuu yiri Biixi, kaasi oo intaasi ku daray "Muqdisho waxay ka dagaalameysaa arrinkaas".

Hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah ayaa qiray in dhowr jeer ay wada hadleen Madaxwayne Maxamed Farmaajo, wallow uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka uu dhacay.

"Isaga [Farmaajo] wuxuu mar walba sheegtaa in lagu kulmo Ankara iyo Dooxa," ayuu raaciyay Muuse Biixi oo daba dhigay hadalkiisa "Markii ugu dambeysay Turkiga waxaanu ku niri 'kaligaa ku aqbali maynee caalamka kale u yeer'."

Marka laga soo tago shaacinta Muuse Biixi ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya.

"Tani [shaacinta] waxaa nagu qasabtay waa arrin culeys iyo walwal nagu haysa…oo ay tahay in aanu ogaano mowqifkeena," ayaa laga soo xigtay Madaxwaynaha Somaliland.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee dhex-mara Somaliland iyo Soomaaliya oo ka qabsoomay dalka Turkiga ayaa nan kasoo bixin wax natiijo ah, iyada oo rajo wanaagsan laga muujinayo wadaxaajoodyada dhowaan bilaabanaya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA MUUSE BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM