DF oo lagu eedeeyay in ay siyaasadeyneyso ka hortagga Corona

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ee majaraha u haysa Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso in ay farageliso ololaha ay ku xakameynayaan fayruska Corona.

Saleebaan Yuusuf Cali [Koore], wasiirka warfaafinta maamulka gooni-u-goosadka ah, ayaa Talaadada maanta ah talaabadaas ku tilmaamay "mas'uuliyad darro".

Mr Koore oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa ku adkeysatay "in uusan guuleysan doonin" isku day kasta oo Villa Soomaaliya ku dooneyso in ay saameyn ugu yeelato arrimahooda gudaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa tilmaamay in xukuumadda Muqdisho ay "siyaasadeyneyso la dagaalanka cudurka Covid—19".

"Annagu waxba ma aanan siyaasadeyn. Xukuumadan Farmaajo ayaa ka duwan kuwii hore, waxay u muuqdaan kuwa wax walba ka daya siyaasad," ayuu yiri, isagoo la xiriiriyey "muranka maamulka hawada".

Doodan oo muddo taagan ayaa karaar-qaadatay markii dowladda federaalka ay ku amartay diyaaradaha caalamiga ah in aysan dalka imaan karin sababo la xiriira Covid-19, balse waxaa diidey maamulka Hargeysa.

"Diyaaraduhu waxay heshiis la galeen 'Jamhuuriyadda' Somaliland, iyaddaana mas'uul ka ah hawadeeda, cid kale ma u maamuli karto," ayuu xusay. "Heshiiskaas ayay ku imaanayaan, kuna tegayaan".

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nan wali wax jawaab ah ka bixin eedeynta uga timid maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madaxa-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay dowlad goboleed hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM