Dhimashada iyo kiisaska Coronavirus ee Somaliland oo sarre u kacday

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah soo warisay in 110 qof ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka baartay safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda oo uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa xanuunka laga helay Sagaal iyo Labaatan qof [29] ruux.

Bukaanadda cusub ee uu soo ritay xanuunka dhamaantood waa muwaadiniin, 23 kmaid ah waa rag, 6-da kalana waa dumar.

Da’da bukaanadan cusub ayaa waxay u dhaxeysaa; 20jir ilaa 29jir = 11 qof, 30jir ilaa 39jir = 8 qof, 40jir ilaa 49jir = 2 qof, 50jir ilaa 59jir = 5 qof, 70jir ilaa 79jir = 2 qof iyo 90jir ilaa 99jir = 1 qof.

Shaqsiyaadka cusub ee laga helay cudurka ayaa waxay kala degan yihiin: magaalooyinka Hargeysa 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Soddon [33]," ayay raacisay warbixinta.

Waxaa intaas lagu daray: "Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd 28 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Simaliland 19".

Tan iyo markii dalka laga helay Coronavirus, degaanada Somaliland ayaa kamid ah goobaha sidda joogta ah looga soo wariyo maalin walba xaalado la xiriira fayruskaas sidda dhaqsiyaha badan ku faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM