Dilal ka dhacay magaalada Laas-caano

Image

LAAS-CAANO, Somalia- Dad shacab ah aya siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Laas-caano ee xarunta gobolka Sool, sida ay sheegayaan warar aan ka helnay dad goob joogayaal u ahaa falalka lagu khaarajiyay dadkaas.

Mallayshiyaad hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa dilay labo kamid ah dadka deegaanka.

Raga lagu dilay xalay gudaha magaalada laascaanood ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdixakiin Ducaale iyo  Jaamac Cabdi waxaana wararku sheegayaan in kooxihii dilka geestay ay baxsadeen.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay weerarada lagu dilay labadaas nin oo dhacay xalay xilliyo kala duwan.

Ilaa hadda cidna looma soo qaban weerrada lagu khaarajiyay raggaas oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ciidamada maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Laas-caano ayaa wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen iyagoo ku raad-jooga raggii falkaas gaystay.

Lama garan karo sababta loo dilay raggaas.

Weerarka ayaa kusoo aaday xilli amniga Laas-caano uu ahaa muddooyinkii dambe mid aad u wanaagsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM