Diyaarad ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Diyaarad sidda shixnad gargaar ah oo ka timid waddanka Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, shixnada ayaa isugu jirta qalabka looga hortaggo isla markaana lagu xakameeyo fayruska Coronavirus ee dunida faraha kulul ku haya ee loo yaqaano Corona.

Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyada xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo saxaafada kula hadlay gudaha madaarka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey xukuumadda Abu Dubai.

Labada mas'uul ayaa carabka ku dhuftay in kaalmadan caafimaad uu Imaaraadku soo gaarsiiyey "xiligii loo baahnaa".

Somaliland ayaa xaqiijisay laba kiis oo cudurka Covid—19. Labadooda waxaa laga kala helay magaalooyinka Berbera iyo Burco. Midkood waa Shiinees, halka qofka uu yahay muwaadin ka yimid UK.

Guddiga ka hortagga xanuunka u qaabilsan maamulka ayaa soo wariyey in ay baaritaan ku bilaabeen dad ka badan 10, kuwaas oo lagu tuhmay caabuqa maadaama ay la kulmeen bukaanada.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska ayaa gaarey sideed kadib markii Wasaarada Caafimaadka federaalka ay xalay soo warisay kiis cusub. Bukaankaas oo 58-jir ah waxaa la sheegay in uusan ka bixin Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM