Doorashada Somaliland: Xubno katirsan Waddani oo la xiray

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay xireen dhowr xubnood oo kamid ah Xisbiga mucaaradka Waddani, xilli ay socoto wareegga labaada ee tirinta codadka doorashadda.

Mas'uul katirsan Korjoogiyaasha doorashada ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay xariga xubnaha Waddani, kuwaasi oo kala ah Xamse Khayre, Madaxii Ololaha Doorashada Waddani, Faadumo Saciid, oo la taliye dhinaca dibadda u ah Cirro iyo nin kale oo lagu magacaabo Ismaaciil Yare.

Xamse waxaa la sheegay in la xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu bixiyay lacag laaluush ah, halka Faadumo iyana ay faragelisay arrimaha doorashada, una dhaqantay sida qof korjooge ah.

Faadumo Siciid ayay booliisku sheegeen in laga xiray goob ay ka socotay tirinta doorashada oo Dugsi ahayd xalay fiidkii, sidoo kale Xamse Khayre ayaa maanta lagu xiray magaalada Gabiley.

Wararka ayaa sheegaya in marki dambe lasoo daayay Faaduumo, iyadoo xisbiga Waddani aan wali ka hadlay xarigeeda iyo kuwa kale, balse waxay ku eedeeyeen Booliska inay jirdileen Ismaaciil Yare.

Meesha uu xariga xubanaha ka dhacay waa Labo goobood oo codbixin ah oo ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu GO u sheegay qof kamid ah Korjoogiyaasha, oo magaciisa ka gaabsaday.

Gudiga Doorashada Somaliland ayaa waxa uu sheegay in aysan waxba ka galin shaqsi ay xireen ciidamada amniga, islamarkaana ay shaqadooda ahayn arrimaha noocaas ah inay farageliyaan.

Tani ayaa kusoo aadaysa xilli Gudiga Doorashada uu ku guda jiro wareeggii labaad, ee tirinta codadka doorashadii dhacday 13-ka Nov, taasi oo ay ku tartameen Musharaxiinta Waddani, Kulmiye iyo UCID, waxaana lagu wadaa in natiijada lagu dhawaaqo maalinta khamiista ee soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM