Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Image

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu Saacadaha oo aadan u safro magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Qatar, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee cusub ee Qatar ay wado, si loo soo nooleeyo wadahadalladii hakadka ku jiray ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wadahadalladaasi ayaa istaagay 1-da January 2024, kadib markii madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu heshiis muran dhaliyay la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasoo Itoobiya siinaya marin badeed. Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay "baadil".

Booqashada Madaxweyne Cirro ee Qatar ayaa imaneysa iyadoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xuska 26-kaJune ugu baaqey Somaliland inay dib ugu soo laabato miiska wahadalka, si looga xaajoodo midnimada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro iyo inay iyaduna wafdi u dirayso Doha, maadaama labada dhinac la dhex-dhexaadinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM