Dr Sacad: Waqtigii Farmaajo imaan lahaa Somaliland lama gaarin

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Arrimaha Dibaddda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo oo yimaada Hargeysa aanan xilligan ahayn mid macquulk ah, ay ay ka horeeyaan arrimo badan in xal laga gaaro.

Hadalka Dr Sacad ayaa jawaab u ah war uu sheegay Mahdi Maxamed Guuleed, Ra'iisul Wasaare kuu xigeenka Soomaaliya, oo ahaa in la joogo waqtigii Farmaajo ka degi lahaa Hargeysa isagoo wada calanka qaranka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaanan wax wadahadal ah yeelan tan iyo doorashadii dowladda haatan fadhida Villa Somalia 2017, iyadoo fashil uu ku yimid kulan loo madal-sanaa inay yeeshaan Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi kadib markii Somaliland la wareegtay Tukaraq.

Dr Sacad ayaa ku sheegay in baaqashadda kulan fool ka fool ah oo dhexmara labada hogaamiye oo rajo fiican laga muujinayey ay ka dambeysay markii xukuumadda Muqdisho ay ka dalbatey Beesha Caalamka inay hakad geliso dhaqaalaha ay siiso.

Wasiir Sacad ayaa sidoo kale meesha ka saarey in mustaqbalka dhow ay wadahadal la furaan dowladda Federaalka, in Farmaajo uu Hargeysa ka dego iyo in masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay kasoo degaan magaalo madaxda Soomaaliya.

"Waliba leyslama gaarin arrinkaasi. Waxaa ka horeysa in labadeena aan isku aqoonsano inaan nahay labo dowladood oo kala madax banaan. Markaasi ayaanu wada hadli karnaa," ayuu yiri Wasiir Sacad oo u waramay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Dooda ku saabsan inay wadahadal yeeshaan Somaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa soo laba kac-leysa markii Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka uu arrintaasi soo hadal-qaadey isaga oo ku cel-celiyay inay dhowaan furmayaan.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa god mugdi ah kusii ridaya rajadda laga qabey inay isku soo dhowaadaan labadda dhinac, maadaama maamulka Muuse Biixi uu arrinkaasi ku xirey shuruudo dhowr ah.

Somaliland oo sheegatay inay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale 18-kii May, sanadkii 1991-dii ayaa waxaa aysan helin tan iyo xiligaasi aqoonsi caalami ah iyadoo caalamka u arko inay tahay maamul goboleed hoos-yimaadda dowladda dhexe ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM