​Ethiopia iyo Somaliland oo kawada hadlay dhacdadii Gaashaamo

Image

HARGEYSA, Somaliland- Wafti ka socda Dawladda Ethiopia, isla-markaana uu hoggaaminayo wasiiru-dawladaha arrimaha dibadda, ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland iyo xubno golihiisa wasiirrada katirsan, waxana kulankaas arrimaha lagaga wada hadlay kamid ahaa dil wadareed ay dhawaan ciidanka Ethiopia u geysteen dad shacab ah oo ku noollaa aagga Deegaanka Gaashaamo.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, waxana uu sheegay in arrimaha laga wada hadlay ay kamid tahay dhibaatada loo geystay shacabka ku dhaqan deegaanka Gaashaamo ee gudaha Ethiopia, waxana uu xaqiijiyey inay xukuumad ahaan dhibaatadaas u bandhigeen waftiga.

Wasiirku waxa uu sheegay in waftigu ballan qaadeen in baadhitaan dheer lagu samayn doono xasuuqa loo geystay dadka shacabka ah oo la sheegay in 21-qof oo lix kamid ah haween ahaayeen halkaas lagu laayey.

 “Dhacdooyinkii gaashaamo, dareenkii dadka iyo kaayagaba, waanu kala hadalnay Arrintaas waanu ka warbixinay, xogtiina waanu la qaybsanay, waxana nasoo gaadhay liis 21-qof ah oo halkaas lagu dilay, waxana uu naga ballan qaaday inuu baadhitaan buuxa samayn doono, ciddii dembi halkaas ka geysatayn sharciga la horgeyn doono,” Ayuu yiri wasiir Sacad Cali Shire.

Dhawaan ayey ahayd markii ciidamo ka socda dalka Ethiopia oo Soomaali u badani ay deegaanka Jaamac-dubad ee aagga Gaashaamo ku laayeen dad shacab ah, kadib isku dhac kooban oo ciidamada iyo koox qaad-wadayaal gudaha Somaliland ka tegey dhex maray, waxana dhimashadaasi ay damaqday shacabka reer Somaliland oo ay dhalasho iyo dhiigba wadaagaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM