Ethiopian la masaafurinayo oo shil ku dhintey

Image

HARGEYSA- Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey 4 qof oo laba kamid ahi ciidamada ammaanka ka tirsanaayeen, ayaa dhintay 65-qof oo  oo kalena waa dhaawac kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo siday dada oromo ahi ku dhacay dhinaca bari ee deegaanka Dacar-budhuq ee gobolka Maroodi jeex.

Sida saraakiil caafimaad warbaahinta u sheegeen waxa dhaawacyada intooda ugu badan la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee Hargeysa, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dadkan ajaanibka ah ee dhimashada iyo dhaawacu soo gaarey ayaa laga keenay xeryo  ku yaalay gobolka Sool  waxana ay qayb ka ahaayeen daabulka iyo musaafurinta xukuumadda Somaliland ku hayso dadka kasoo jeeda wadanka Ethiopia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM