Faysal Waraabe oo digniin kasoo saaray qalalaasaha Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay xariga mas'uuliyiinta dhigooda Waddani.

Waraabe oo la hadlay qaybo kamid ah warbaahinta ayaa ku qeexay xarigaas "mid baalmarsan gebi ahaanba shuruucda u yaala maamulkaa gooni u goosadka ah".

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu ku tartarsiiyey in ay ka baaqsato "wax kasta oo dhibaato Somaliland oo ay kamid tahay talaabooyinkii u dambeeyay".

Hogaanka xisibiga Waddani ayuu ku booriyey in ay qaab wanaagsan u maraan arrimaha ay raadinayaan ee ah doorashooyin xor iyo xalaal ah.

"Dadka hadaan adeegyadii dowliga ah siin waynay yaaney nabadda ka qaadin," ayuu u sheegay Biixi oo ay wada kulmeen kahor xarigii xubnaha Waddani.

Mas'uuliyiinta laga xiray Waddani oo kala ah afhayeenka iyo xoghayaha ayaa ka dambeysay markii ay ku dhawaaqeen mudaaharaad balaaran.

Xisbiyadda Somaliland ayaa isku haya doorashooyinka gaar ahaan Guddiga maamulaya oo madmadow ay ku jiraan xubnihiisa gaarkood.

Dhinaca kale, xaaladda magaaladda Hargeysa ayaa hataan ah mid kacsan, waxaana lasoo sheegayaa in la xiray xaruntii Tv-ga Horn Cable.

Si lamid ah, waxaa lagu waramayaa in xabsi loo taxaabay Tafaftirihii guud ee xaruntaas warbaahineed kaasoo xarunta laga watay.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Garowe Online in ciidamada ammaanka ay "jirdileen" saddex xubnood markii ay xorriyadda ka qaadayeen.

Ururo maxali ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ay cambaareynayaan talaabooyinka ka dhanka ah mucaaradka iyo saxaafadda.

Qalalaasaha siyaasadeed ee Somaliland ayaa laga digayaa in uu ka dhasho gacan ka hadal, maadaama ay guuldareysteen wada hadalo muddo socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM