Geerida iyo kiisaska Coronavirus ee Somaliland oo mar kale korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah waxay shaaca ka qaadey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 18 xaaladood cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Bukaanada cusub oo 9 ay dumar yihiin, sagaal kelana ay rag yihiin ayaa sidoo kale 17 kamid ah waa muwaadiniin, halka ruuxa kale uu kasoo jeedo waddanka Bangladesh ee qaaradda fog ee Aasiya.

Sidda laga soo xigtay warbixinta Wasaaradda oo Garowe Online uu arkay, da’da bukaanadan cusub ayaa waxay u dhaxaysaa: 20-jir ilaa iyo 70-sano jir.

Shaqsiyaadka laga helay xanuunka, sidda ku xusan warbixinta, waxay 15 kamid ah ay degan yihiin Hargeysa, saddexda kelana waxay kala joogaan magaalooyinka kala ah; Burco, Oodweyne iyo Boorama.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay waxaa geeriyooday hal bukaan, taas oo wadarta guud ee dhimashadda ka dhigeysa 9.

Marxuumada waa qof dumar ah oo da'deedu ahayd 60-jir waxayna la ildarneyd xanuuno kale, sidda a sheegeen mas'uuliyiinta caafimaadka.

Intaas waxaa wehlisa, tiradda guud ee dadka ka bogsaday ayaa wali ku taagan sideed mana jirto bukaan cusub oo caafimaadey. Tiradda guud ee kiisaska waxay sii mareysaa 121.

Tan iyo markii uu cudurku dilaacay, Somaliland ayaa baartay 666 ruux, iyaddoo maalintii laga baarayay xanuunka ugu yaraan 40 ruux. Tani waxay ka dhigan tahay in ay jirto baahi loo qabo agab baaritaan oo dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM