Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo gudoon yeeshay xili uu muran jiro

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo fadhi aan caadi ahayn maanta oo Sabti ah ku yeeshay Hargeysa ayaa waxay iska soo dhex-saareen gudoomiye.

Cabdirashiid Riyo-raac ayaa waxaa lagu waramayaa in loo coddeeyay gudoomiyaha cusub ee guddiga.

Mustafa Maxamed Daahir [Dhawal] ayaa waxaa isana loo xushay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka guddiga.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay Guddiga oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Mr Riyo-raac ayaa waxaa la sheegayaa in uu yahay yahay xubinta Guddiga ka tirsan ee aadka loogu muransan yahay.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in xubintaan ay ka tirsan tahay xisbiga taladda haya ee KULMIYE una jaran-jeerto xukuumadda.

Madaxtooyadda oo diidey eedeyntaas ayaa sheegtay in xubnaha uu Muuse Biixi Cabdi soo xushay ka fog yihiin dhinac gaar ah.

Ugu yaraan, lixdii sano ee lasoo dhaafay Somaliland ayaa dhexda kaga jirtay khilaaf siyaasadeed oo dhanka doorashadda goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka kuwaas oo baaqday lix jeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM