Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey xili uu khilaaf jiro

Image

HARGEYSA, Somaliland – Lixda xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah lagu dhaariyey Madaxtooyadda xilli uu muran ka taagan yahay xubno kamid ah Guddigaas.

Aadan Cali Axmed, gudoomiyaha Maxkamadda Sarre, ayaa dhaariyey xubnaha iyadda oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay Guddiga horaantii bishaan November.

Munaasabadda dhaafinta ayaa kusoo aadeysa xili xisbiyadda siyaasaddeed ay madaxa isugula jiraan muddo bilooyin ah.

Bishaan November 12-keeda, Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa meelmariyey lixda xubnood iyadda oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu la noqday xubintiisa isaga oo coksaday "sharci darro".

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Waddani iyo UCID, xisbiyadda mucaaradka, ayaa waxay ku eedeeyeen madaxweyne Biixi in uu kusoo daray Guddiga xubno u jaran-jeera dhankiisa.

Madaxtooyadda oo si adag uga falcelisay eedeynta ayaa iska fogeysay waxayna qirtay in ay jireen xubno xisbigeeda kamida.

Golaha Guurtiga Somaliland ayaa 24-kii November muddo kordhin laba sano ah u sameeyay Golaha Wakiiladda oo shaqeynaya 17-sano maadaama iyaga oo aan la bedelin tan iyo 2005-tii.

Dhanka kale, xisbiyadda mucaaradka ayaa si adag u diidey muddo kordhinta. Bayaan ayay soo saareen waxay ku qeexeen waqti ku darsiga sharci darro hoos u dhigeysa dimoqraadiyeynta Somaliland.

Somaliland, inkasta oo ay qabaneysay doorashooyinka Madaxtooyadda, muddo lix jeer ah waxaa baaqatay coddeynta baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka, taasi oo kordhisay khilaafka siyaasadeed ee gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM