Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo xayiraad saaray Gaadiidka

Image

HARGAYSA, Somaliland- Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah magaalada Hargaysa ugu qabteen Guddiga doorashooyinka Somaliland, wasaaradda Amniga iyo saraakiisha ammaanka maamulkaas ayay uga hadleen dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka.

Guddiga ayaa sheegay in laga billaabo 12 habeenimo xalay aysan jirin gaadiid ka dhex shaqayn doono magaalooyinka waaweyn ee Somaliland marka laga reebo kuwa ka howgalaya goobaha cod bixinta ee loo sameeyay taarikooyin khaas ah.

Komishinku waxay codsadeen in laamaha ammaanku fuliyaan awaamiirta guddiga si looga fogaado amni darro iyagoo xusay in amarkaas ku ekaan doono 08:00pm ee isla maalinta Isniinta marka lasoo afmeero doorashada oo ku eg 06:00pm Maqribnimo.

Taliyaha Booliis ayaa xusay inay fulin doonaan amarka Komishinka isagoo intaas ku daray go'aankan loo sameeyay si doorashadu ugu qabsoonto nabadgalyo.

Wasiiru dowlaha amniga ee wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa intaas ku daray in shacabku si dagan u codeeyaan oo ay hormuud u noqdaan nabad galyada.

Saacado kooban ayaa naga xiga waqtiga doorashada Somaliland oo loo dareeri doono Barri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM