Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Barlamanka Somaliland oo la doortay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulan lagu dooranayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad kadib markii uu booskaas bannaanaaday doorashadii Baashe Maxamed Faarax.

Kursigan waxaa ku tartamay dhowr Xildhibaan oo kala ahaa; Axmed-yaasiin, Xasan Muuse Hufane iyo Axmed Cabdi Kaahina.

Shir Guddoonka Fadhiga waxa uu ahaa Guddomiyaha Cusub Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 71 mudane.

Loollan adag oo dhexmaray Xildhibaanadaas, waxaa markii dambe guushu raacday Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, kadib markii uu helay 50 cod, ninka kusoo xigay ee ahaan Xasan Muuse Hufane, wuxuu helay 16 cod.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee loo doortay Barlamanka Somaliland ayaa ah nin dhallinyaro ah oo golaha kasoo galay Gobolka Awdal, isagoo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

6-dii bishan August ee 2017-ka, ayay ahayd markii la doortay Guddoomiyaha golahaas oo uu ku guulaystay Baashe Maxamed Farax inkastoo ay ka dhalatay buuq markii dambe xal laga gaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM