Hargeysa: Tirinta codadka Somaliland oo socota

Image

HARGEYSA, Somaliland- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa salaadii Maqrib kadib shaaciyay in la xiray dhammaan goobihii loo asteeyay in maanta ka qabsoonto doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Guddigaas, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa saxaafadda u sheegay in doorashadu ku dhacday si nabad ah islamarkaana ay yareeyeen dhammaan waxyaabihii sababi karay shilalka.

Warsame wuxuu intaas ku daray 1642 goobood oo ay doorashadu ka dhacday aysan jirin wax khasaaro ah, marka laga yimaado shilal yar yar oo ilaa saddex qof soo gaaray.

Wuxuu u mahadceliyay dadkii si xorta ah u dhiibtay codadkooda isagoo murashaxiinta ugu baaqay inay celiyaan abaalka loo galiyay iyo sida quruxda badan ee codadka loo siiyay.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in bilaabeen tirinta codadka doorashada, waxayna ka digeen in la faafiyo warar been abuur ah inta ay socoto tirirta codadka. Ma aysan shaacin waqtiga ay qaadan doonto tirinta codadka, balse waxaa la saadaalinayaa in lagu dhawaaqo maalinta Khamiista ee soo socota.

"Waxaan idiin sheegayaa oo wararka nasoo gaaray sheegayaan in goobaha qaybtood la bilaabay tirinta codadka waxyar kadib markii la xiray goobihii codbixinta waa kuwii aysan safafku taagnayn, farxad ayay noo tahay," sidaas waxaa yiri Siciid Cali Muuse oo Guddigaas kamid ah.

Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa sidoo kale xusay in laga billaabi 06:00pm xilliga Bariga Africa hawada laga saari doono dhammaan baraha bulshada oo la fasixi doono maalinta la shaaciyo natiijada.

Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u codeeyay Saddexda Murashax ee kala ah; Muuse Biixi [Kulmiye], Cabdiraxmaan Cirro [Waddani], iyo Faysal Cali Waraabe [Ucid].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM