​Hishiiska Somaliland iyo DP World oo la dhammaystiray

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wasiirka Qorsheynta Somaliland Cali Shoonbe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa caddeeyay in xukuumaddu soo afmeertay hishiiska lagu kiraynayo Dekedda Berbera, isagoo xusay in is-afgaradkii ugu dambeeyay qalinka lagu duugay.

Kulanka dhexmaray madaxda shirkadda DP World iyo Somaliland ee Dubai, waxaa ka dhex muuqday wajiyada mas'uuliyiin aan qayb ka ahayn hishiiska labada dhinac islamarkaana aan ku jirin Guddiga Arrimaha Dekedda Berbera, waxaana kamid ahaa; Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhammaystirka arrintan ayaa timid xilli maalmahan warbaahinta gudaha sheegaysay walaac DP World ka muujinaysay hishiiskaasi maadama sida xogtu sheegayso shirkaddu ka biyo diidey khilaafaad u dhaxeeya Xukuumadda iyo dadka deegaanka.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Cali Shoonbe oo ka hadlayay qorshah lagu dhammaystiray hishiiska Somaliland ayaa yiri,"Waxaan u sheegayaa dhamaanba shacabka Somaliland inaanu ku heshiinay dhamaan qodobadii siday u dhamaayeen anaga iyo shirkada Dubai World, berritona ay noqonayso saxiixii kama danbaysta ahaa... Waxaanu iminka kasoo baxnay shirkaas  oo aanu la galnay markii ay farsamayaqaanadii aad ayay isku soo arkeen dabeetona aanu anagu la galnay Guddoomiyihii Shirkadda  DP  World Mr Suldaan, waxaanuna isla qaadanay qodobadii aanu isla falanqaynay  berina waan saxiixi doonaa ee ku farxa".

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil, ayaa tallaabadan ku sifeeyay guul usoo hoyotay Somaliland, wuxuuna sheegay in sida wasiirku caddeeyay wixii dhimanaa la dhammaystiray.

Shirkaddan Imaaraadka laga leeyahay ayaa maalgalin dhan 400 Milyan ku bixin doonta dayactirka Dekedda Berbera, taasoo lagu kirayn doono m uddo dhan 30 sano, waxaana qorshahaasi kasoo horjeestay dadka deegaanka iyadoo kaliftay in xukuumaddu xilkii ka qaado maareeyihiin Dekedda Cali Xoor-xoor.

Axsaabta siyaasadda ayaa iyaguna kasoo horjeeda iyagoo ku doodaya inaysan dowladdu hishiis gali karin maadama sida ay xusayaan dhammaaday waqtigii ay xukuuamdda ku gali lahayd hishiisyadan caynkaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM