IGAD oo Arrinta Tukaraq kala hadashay Soomaaliland [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo saraakiil kale, ayaa maanta kulan la qaatay guddoonka golaha wakiillada Soomaliland iyagoo kawada hadlay arrimo la xariira xaaladda maamulkaas iyo xiisadda Tukaraq.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa labada dhinac soo hadal qaadeen doorashadii maamulkaas ka dhacday dabayaaqadii sannadkii hore islamarkaana waxay bogaadiyeen qaabka ay shacabka Somaliland wax u doorteen.

Wada-hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliya ayaa kamid ahaa waxyaabaha IGAD iyo golaha wakiillada Soomaaliland carrabka ku dhufteen, waxaana Guddoonka uu hogaamiyo Baashe Maxamed Faarax ay codsadeen inay ururkan uu kaalin ku yeesho shirka ka dhacaya Jabuuti.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland, taasoo soo bilaabatay markii ciidamo katirsan xukuumadda Hargaysa la wareegtay goobtaas horaantii Jannaayo.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Soomaaliland, Baashe Maxamed Faarax, ayaa saxaafadda u sheegay in Somaliland ku sugnaan doonto deegaanka Tukaraq ciidamaduna joogi doonaan inta wada-hadalku dhammaanayo, isagoo intaas ku daray inaysan diyaar u ahayn dagaal.

Maxamed Cali Guye, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, ayaa shacabka Soomaaliland uga mahadceliyay qaabkii ay uga qaybqaateen doorashadii ka dhacday 13 November deegaanada maamulkaas, isagoo sheegay inay ku heshiiyeen arrimihii ay kawada hadleen.

Socdaalkan ayaa kusoo aaday xilli xiisad colaadeed ka taagantahay gobolka Sool islamarkaana la filayo in dhawaan dalka Jabuuti uu ka furmo wada-hadal u dhaxeeya DFS iyo maamulka Soomaaliland. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM