Itoobiya oo "dal" ku tilmaamtay maamulka Somaliland
HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Itoobiya ayaa baaziil kusii shubtay xiisada diblumaasiyadeed ee kala dhaxeysa Soomaaliya kadib markii ay "dal" ku tilmaamtay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.
Bogga Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarka Itoobiya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu daabacay arrinkan iyadda oo xurgufta u dhaxeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ay gaartey fagaareyaasha dunida.
Qoraalkan aadka u faafay ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii kulan ay yeesheen Wasiiradda Qorsheynta iyo Horumarka dowladda federaalka ah ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
"Wasiirada Qorsheynta iyo Horumarka Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa ay isku-raaceen in ay si wadajir ah uga wada-shaqeeyaan qorsheyaasha horumarka iyo baahiyaha labada dal," ayuu u qornaa qoraalka.
Talaabadan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli 1-dii Janaayo, 2024 ay magaalada Addis Ababa is-faham kuwada saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
Is-afgaradkaas ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah ka kirinayso Somaliland dhul ay ka hirgelineyso saldhig ciidan iyo 20 KM dhul badeed ay Itoobiya adeegsaneyso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u cambaareysay heshiiskaas waxayna ku tilmaamtay "faragelin qaawan iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya".
GAROWE ONLINE