Swan oo sharaxay "wadahadalo sarre" oo u socda DF iyo Somaliland

Image

NEW YORK, US – Wadaxaajoodyo heer sarre ah ayaa u socda madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sidda ay Khamiista maanta ah daaha ka rogtay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa hadaladaas wuxuu ka sheegay shir balaaran oo uu Golaha Ammaanka UN-ka ka yeeshay xaalada dalka.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga Ameerikaanka ah, UN-ka ayaa wuxuu dhiiragelinayaan wadahadaladdaas hoose ee socda.

James Swan ayaa tibaaxay in wadahadalada ay yihiin kuwa dhabaha loogu xaarayo shirar fool ka fool ah oo mustaqbalka dhaca.

"Marka aan u jaleeco xiriirka Soomaaliya-'Somaliland', waxaan dhiiragelinaynaa wadaxaajoodyadda heerka sarre ee socda, kaas oo labada dhinac ay isugu diyaarinayaan joogteynta xiriirka iyo baadigoobka wadahadalada mustaqbalka," ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa dhinac marsan dhawaqyo maalmihii u dambeeyay kasoo yeerayay hogaanka Somaliland oo ku saabsanaa in aysan la hadli doonin dowladda federaalka ah hadii aysan aqoonsan qadiyadooda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 18-kii May ee sanadkan 2020 soo jeediyey maxkamad caalami ah oo ay "ku kala baxaan Soomaaliya iyo Somaliland". Tani waxay dhalisay waydiimo aan laga jawaabin.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse ma helin aqoonsi caalami ah. Wadahadalada Muqdisho iyo Hargeysa waxay hakad ku jiraan ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM