Kenya oo xiriirka Muqdisho u weecisay Somaliland iyo qorshe cusub oo socda

Image

NAIROBI, Kenya - Shirkadda diyaaradaha Kenyan Airways ayaa ka fekeraysa inay duulimaadyo toos ah ka billowdo Somaliland, xilli xiriirka Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya uu soo xumaanayo mudooyinkii dambe.

Tallaabadan ayaa ah horumar weyn oo soo hoyday xiriirka ganacsi, ee Kenya iyo Somaliland, waxaana lagu wadaa in Kenyan Airways ay Hargeysa u noqoto meesha labaada oo duulimaadka ka sameyso Geeska Africa.

Kenyan Airways ayaa horey ugu sameysay Hargeysa sahmin ku saabsan in ay ka sameyn karto duulimaad toos ah, iyadoo baarlamaanka Kenya uu u ogolaadey Shirkaddan dowliga ah inay tagto Somaliland.

Dad lagu qiyaasay 15,000 oo Kenya u dhashay ayaa xilligan ku nool, kana shaqeysta gudaha Somaliland.

Agaasimaha waaxda duulista hawada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol ayaa dhawaan booqday Nairobi, isagoo kulamo halkaasi kula yeeshay saraakiisha dowladda Kenya, oo u sheegay in Hargeysa ay tahay meel ku haboon in Kenyan Airways ka shaqeysay.

Illaa hadda, Ethiopia Airlines ayaa labo jeer todobaadkii duulimaad ku sameysay Hargeysa iyo Addis Ababa, iyadoo ay jiraan diyaarado kale oo ay kamid tahay Fly Dubai, taasoo laga leeyahay Imaaraadka.

Kenya ayaa qorsheynaysa sidoo kale inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi howsha ay usoo xilsaartay inuu fuliyo mas’uul lagu magacaabo Philip Mundia Githiora.

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa horey qunsuliyado uga furtay Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM