Kolanyo galbineysa wasiiro ka tirsan Somaliland oo lagu weeraray Sool

Image

LAASCAANOOD - Fahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar jidgal ah oo lagu ekeeyay kolanyo galbineysa wasiiro iyo xubno kale oo ka socday maamul Somaliland, kuwaasi oo mareysa inta u dhaxeysa Laascaanood iyo tuulada Dhumay.

Kolanyadda oo kasoo baxday caasimada gobolka Sool ayaa kusii jeeday degaanka ku yaala kuunfurta gobolka, xili ujeedkooda uu ahaa si ay uga qayb-qaataan waanwaanta colaad halkaasi kasoo cusboonaatay.

Goobjoogayaal kala duwan oo telafoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in iska hor-imaad kooban uu dhex-martay ilaalada Kolanyadda iyo maleeshiyaad ka tirsan beelihii ku dagaalamay degnakaas.

Wasiiradda kolanyadda la socotay waxaa kamid ah, Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaan gooni isku taaga ah, kuwaasi oo weerarka kadib dib ugu laabtay dhinaca Laascaanood.

Lama soo warin hadii ay jirto khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo iska hor-imaadkaan uu sababay, kaasi oo imaanaya xili tuulada Tukaraq ay iska hor-fadhiyaano ciidamo labada maamul kala taabsan.

Ciidamada Puntland ugu jira aaga shacabka ka caagan ee Tukaraq oo dhowr jeer kasoo baxay ayaa ka sameeyay xarunta Puntland ee Garowe gadood, iyaga oo ka cabanaya mushaar la'aan uu maamulka Cabdiwali Gaas musuq-maasuqay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu iclaamiyay shir-wayne lagu qaboojinayo colaada dib uga qaraxday Sool, taasi oo ay ku geeryoodeen inta la hubiyay 50 ruux.

Gobolka Sool ayaa waxaa ragaadiyey colaado u dhexeeya beelaha wada daga deganadaas halka dhinaca kale uu saameyn ku leeyahay khilaafka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM