Maamulka Somaliland oo soo saaray digniin ku aadan Vayrus dilaa ah

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa soo saarey digniin ku aadan vayruska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa Isniinta maanta ah war-saxaafadeed ku shaacisay in feejignaan dheeraad ah ay ka gashay caabuqaan khatarta badan leh.

Vayruskaan oo kasoo bilowday gobolka Wuhan ee China ayaa la xaqiijiyey in uu dilay in ka badan 50, isla markaana uu ku dhacay saddex kun kale.

"Cudurkan fiditaankiisa waxaa ka qeyb-qaata dadka safra, waxaana illaa iyo haatan sheegtay tobban waddan oo u badan qaarada Aasiya, hase ahaatee, Somaliland cid qabata wali inama soo gaarin," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha socdaalka la faray in ay aad u xaqiijiyaan caafimaadka shaqsiyaadka ka imaanaya dalalka laga helay xanuunka.

Sikastaba, Somaliland ayaa kamid ah maamulada ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee xiriirka ganacsi uu kala dhaxeeyo dowladdaha Shiinaha.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM