Madaxweynaha Somaliland oo gaarey Imaaraadka [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DUBAI - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagey wadanka Imaaraadka Carabta, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Muuse oo ay wehliyeen xubno katirsan Xukuumadiisa, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe iyo madax kale ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dubia.

Diyaarad gaar ah oo madaxda sare ee dowladda Imaaraadka ay usoo dirtay ayuu Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisa ku tageen Dubia.

Booqashada Muuse Biixi ee Imaaraadka ayaa salka ku haysa Heshiiska Dekedda Berbera, oo mucaarado xooggan kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku tilmnaatay mid sharci darro ah.

Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Sayid, ayuu Muuse Biixi ka helay Casuumada uu ku tagey dalkaasi, waxaana la filayaa inay kawada hadlaan mustaqbalka Heshiiska Dekedda Berbera.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta u codeeyay qaraar ay ku dalbadeen Xildhibaanada in dalka laga mamnuuco DP World, kadib markii Heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Gollaha Wakiiladda Somaliland aya Talaadadii shalay markale taageeray Heshiiska Berbera, oo bishii August 2016 ansixiyeen, iyadoo sidoo kale cambaareeyay go'aanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka daawo soo dhaweynta Muuse Biixe:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM