Madaxweynaha Somaliland oo isku-shaandheyn sameeyey

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto habeenkii xaley 15 Feb,2016 uu kasoo saarey xafiiskiisa ayaa magacaabis ku sameeyey qaar ka tirsan golihiisa wasiirada halka uu isku-shaandheyn ku sameeyey  gudoomiye-yaasha gobolada iyo Mareeya-yaal. 

Warsaxafdeed ku lambareysan JSL/M/XERM/249-3830/022016 oo  noqol kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa u qornaa sidatan: 

Cismaan Cabdillaahi  Saxardiid  oo ahaa wasiirka Wasaradda Duulista ayaa loo magacaabey  Wasiirka Warfaafinta halka Cabdulahi Maxamad Daahir "Cakuuse" la geeyey wasaarada Xanaanada xoolaha.

Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha wareegtadaan loogu magacaabey Wasiirka Duulista Hawada.

Waxaa xilkiisii waayey laguna timamey xil suge Mudane, Muuse Qaasim Cumar oo ahaan jirey Wasiirka Ganacsiga.                                            

Dhinaca kale Yaasiin Maxamed Shide oo hayey xilka Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa lagu sheegey wareegtadan inuu yahay xil suge.       

Mudane, Xuseen Aadan Cige oo hayey xilka Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa loo dalacsiiyey  in qabto xilka Wasiirka Ganacsiga.

Wareegtadadaan ayaa sidoo lagu sheegey in Mawliid Maxamuud Ibraahin  oo ahaa   Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha  lagu sameeyey  xil ka qaadis.

Cabdillaahi Maxamed Carey oo isaguna ahaa Maareeyaha Madbacadda Qaranka ayaa qoraalka madaxtooyada kasoo baxey xil ka qaadis ku sameysay.

Siciid Cabdi Maxamuud oo ahaa Wasiir Ku-xigeen W. Duulista ayaa loo magacaabey  Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga.

 Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo hayey xilka Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga  ayaa loo magacaabey Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta.

Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad) oo ahaan jirey  Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta ayaa loo magacaabey Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga.

Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac ayaa qoraalkaan loogu magacaabey  Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha.

Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi oo ahaa Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga ayaa sidoo kale Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada.

Mudane, Axmed Nuur Faahiye oo ahaan jirey   Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada ayaa noqdey  Wasiiru Dawlaha W. Duulista.

Mudane, Xamse Maxamed Cabdi  ayaa qabtey isagana xilka Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)  oo ahaan jirey Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ayaa laga dhigey Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa qabtey xilka  Afhayeenka Madaxtooyada.

Ugu dambeyntii Mudane, Siciid Saalax Shire ayaa madaxweyne Silaanyo u magacabey Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Magcaabistaan iyo xil ka qaadistaan ayaa timid maalmo kadib markii madaxweynaha Somaliland booqasho ku soo marey gobolada Barri ee Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM