Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Michael Keating [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda Hargeysa ku qaabiley Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Keating ayaa Kulan la qaatey Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo goobjoog ay ka ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda iyo xubno kale oo katirsan labada Golle ee maamulka Somaliland.

Inta uu socday Kulanka waxaa diiradda lagu saaray arrimo uu ka mid ahaa sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay Somaliland iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya ku wada shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Ali Shire oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee ay ka wadahadleen ay kamid ahaayeen dhinacyada Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, iyo Garg-gaarka QM ee Somaliland.

Booqashada Michael Keating ee magaalada Hargeysa ayaa kusoo beegmaysa, maalmo kadib markii Somaliland ay duulaan military ku qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo katirsan dhulka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM