​Madaxweynaha Somaliland oo safray

Image
Image
Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed "Siilaanyo" iyo wefti kooban oo hoggaaminayo, ayaa safar ugu amba-baxay dalka Kuweyt martiqaad rasmi ah ka helay. 

Waftiga uu hoggaaminayo madaxweyne siilaanyo, ayaa diyaarad gaar ah oo dalka Kuwait looga soo diray ka raacay madaarka Cigaal International Airport, waxana la filayaa inay kulamo dhexmaraan Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo isagu madaxweynaha u fidiyey martiqaadkan.

Xubnaha safarka ku wehelinaya Siilaanyo, waxa kamid ah Marwadiisa, wasiirka madaxtooyada, maareeyaha dekedda Berbera iyo xoghayihiisa gaarka ah. 

Dawladda Kuwait, ayaa xidhiidh fiican la leh Somaliland, waxayna qayb weyn ka qaadatay dib u dhiska lagu sameeyey madaarrada Hargeysa iyo Berbera. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM