Madaxweynaha Somaliland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis, sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Hoos ka akhriso digreetada

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,
Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.

MAGACAABID:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.

8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.

9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM