Muuse Biixi oo Jabuuti lagu soo dhaweeyay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu dhaweeyay dalka Jabuuti, oo maanta uga billaabatay booqasho maalmo qaadan doonto.

Madaxweyne Biixi ayaa marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta maamulka Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wafdiga Biixi ku qaabilay qasriga Madaxtooyada, kadib markii Garoonka diyaaradaha ay kasoo galbiyeen mas'uuliyiin sare oo katirsan dowladda Jabuuti.

Waxaa ku wehliyaha Safrkiisa Madaxweynaha Wasiiro dhowr ah oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Taliyeyaal ciidan iyo Saraakiil kale oo Madaxtooyada katirsan.

Waa safarkii ugu horeeyay oo dibadda Madaxweyne Biixi uga baxo Somaliland tan iyo doorashadiisa November, waxaana la filayaa inuu lugta labaad ee booqashadiisa ay noqoto dalka Itoobiya oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM