Muuse Biixi oo Jabuuti lagu soo dhaweeyay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu dhaweeyay dalka Jabuuti, oo maanta uga billaabatay booqasho maalmo qaadan doonto.

Madaxweyne Biixi ayaa marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta maamulka Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wafdiga Biixi ku qaabilay qasriga Madaxtooyada, kadib markii Garoonka diyaaradaha ay kasoo galbiyeen mas'uuliyiin sare oo katirsan dowladda Jabuuti.

Waxaa ku wehliyaha Safrkiisa Madaxweynaha Wasiiro dhowr ah oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Taliyeyaal ciidan iyo Saraakiil kale oo Madaxtooyada katirsan.

Waa safarkii ugu horeeyay oo dibadda Madaxweyne Biixi uga baxo Somaliland tan iyo doorashadiisa November, waxaana la filayaa inuu lugta labaad ee booqashadiisa ay noqoto dalka Itoobiya oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM