Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay raaseynta ciidamada Badda Somaliland

Image

Hargeysa:Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay is-rasaasayntii dhawaan ciidamada badda ee Djibouti iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray xeebta deegaanka Saylac, waxana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda.

Madaxweynaha oo  ka  safar dalka dibaddiisa ah kasoo laabtay, ayaa si cad u sheegay inaanay faraha ka laaban doonin difaaca dalka, balse  carrabkiisa waa uu ka ilaaliyey dalka Djibouti oo ciidamadoodu dhawaan weerareen Markab kalluumaysi oo ruqsad ka haystay Somaliland.

“annagu Somaliland haddaanu nahay wixii dalkayaga dani ugu jirto difaaciisa waanu difaacaynaa, waana ka warqabaynaa, waana la soconaynaa”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Hadalka madaxweyne siilaanyo ka yiri difaaca dalkiisa, ayaa ka dambeeyey iskudhac dhimasho keenay oo dhawaan ciidamada badda ee Somaliland iyo Djibouti ku dhexmaray xeebaha aagga Saylac, iyadoo hal askari oo ciidanka Somaliland ahi halkaas ku dhaawacmay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM