Markabkii la qafaashay ee kusii jeeday Somaliland oo lasii daayey

Image

RIYADH, Sacuudiga – Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa xorriyadooda u celiyay shaqaalihii la socday maraakiibtii ay todobaadkaan ku qabsadeen Badda Cas.

Howladeenadda oo u kala dhashay Kuuriyadda Koonfureed iyo Sacuudiga ayaa waxay ka degayaan dekadda Sacuudi Carabiya ee Jizan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa sheegtay in muwaadiniinteeda xaaladoodu caafimaad wanaagsan tahay.

Maraakiibta oo laga kala lahaa Sacuudiga iyo Kuuriyadda Koonfureed ayay sidoo kale Xuutiyiinta sii daayeen, sidda ay wasaaraddu sheegtay.

Shirkad laga leeyahay Kuuriyadda Koonfureed oo la yiraahdo Woongjin Development ayaa iska leh markabka oo kusii jeeday Somaliland.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo, mid kamdi ah maraakiibta oo ku safrayey calanka Sacuudiga ayaa magaaladda Berbera u siday shixnad aan wali la shaacin.

Falaagadda ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay Maraakiibta in uu ku xadgudbay dhul-badeedkooda Yemen.

Saraakiil sarre ayaa laga soo xigtay in isla markii ay ogaadeen in Kuuriyadda Koonfureed laga leeyahay markabka go’aansadeen in ay sii deeyaan.

Dowladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa durba markii uu soo baxay warka qafaalashada waxay amar siisay ciidankeeda ku sugan badda Soomaaliya.

Dhowr jeer ayaa waxaa horey looga soo wariyey Badda Cas weeraro ka dhan ah maraakiibta, waxaana lagu macneeyay shufta badeed oo sii dabar go’aysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM