Mas'uul katirsan DF oo Maxkamad lagu soo taagayo Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Hay'adda amaanka ee maamulka Somaliland ayaa sheegay inay maxkamad soo taagayaan Cabdiqani Yaasiin Maxamed, oo ka tirsan xafiiska Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya.

Cabdiqani oo shalay oo Jimco ahayd lagu xiray Magaaladda Hargeysa ayaa lagu soo eedeeyay inuu qaab dhuumaaleysi ah uu kusoo galay degaanada Somaliland, isaga oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa la sheegay inuu yahay Xoghayaha Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khader, kaasoo degaanada Somaliland kasoo jeeda.

Ma jiro illaa iyo haatan war rasmi ah oo arintaan uu kasoo saarey Xafiiska Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, inkasta xiriiro uu la sameeyay Warsidaha Garowe Online u sheegay inay dhowaan ka hadli doonan.

Inta badan maamulka Somaliland ayaa waxa uu xarig iyo musaafuris kula dhaqaaqa xubnaha ka aragtida duwan ee ka tirsan dowladda Federaalka ee tega degaanada maamulkaan gooni isku taaga ah.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegtaan inay yihiin dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, inkasta oo aanu wali jirin aqoonsi caalami oo ay Beesha Caalamka ka heleen.

Xariga Cabdiqani, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili cilaaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo dowladda Federaalka uu yahay mid aanan hagagasaneen, taasoo ka dambeysay markii maamulka Farmaajo codsaday in dhaqaalaha laga joojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM