Mas'uul uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi oo is-casilay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxii mashruuca dhismaha wadada xiriirisa magaalooyinka Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaanno "Berbera Corridor" ayaa waxaa lagu waramay in uu shaqadda ka tegay.

Maxamuud Cabdi Maxamed [Dhuudhi] oo jagadaas loo magacaabay bishii lasoo dhaafay ee June ayaa la sheegay in uu warqadiisa is-casilaadda u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lagana aqbalay.

Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in uu shaqadda ka tago Dhuudhi, balse waxaa kasoo baxaya fahfaahino.

Sidda ay qeexayaan warbixinadda, Dhuudhi oo hogaaminayey guddi ka kooban lix xubnood kuwaasoo waajibaadkoodu yahay kormeerida mashruuca ayay is-qabteen wasiirka gaadiidka, Cabdullaahi Abokor.

Khilaafkooda ayaa salka ku haya maamulka mashruuca gaar ahaan in ay wasiirka u gudbiyaan warbixinta mashruuca, halkii ay kaga gudbin lahaayeen madaxweynaha, taas oo Dhuudhi uu qoonsaday.

Warbaahinta Somaliland ayaa warisay in is-qabqabsiga labada mas'uul uu gaarey Biixi, balse ma aysan shaacin mowqifka hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah, kaas oo ogolaaday warqada is-tiqaalada.

Durbadiiba, madaxweyne Muuse Biixi ayaa la fahansan yahay in uu booska Dhuudhi ku bedelay Eng. Ciise Yuusuf Maxamed [Xamari], oo soo noqdey Gudoomiyaha guddiga doorashada maamulkaas.

Mashruuca Berbera Corridor waxaa maalgelinaya Imaaraadka Carabta, wuxuuna qeyb ka yahay barnaamijyadda horumarinta.

Dhanka kale, xafiiska Muuse Biixi ayaanan wali si furan uga warbixin qadiyaddan oo dharbaaxo ku noqon karta mashruucan.

Is-qabqabsiga dhanka maamulka ayaa ku badan wasaaradaha xukuumadda Biixi, waxaana aalaaba lasoo tabiyaa in ay meesha ka baxaan xubnaha laga tirada badan yahay ee saameynta buuran lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM