Maxaa looga hadlay kulanka Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka Denmark?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabiley safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo uu wehliyo ku xigeenkeedu Nina Berg.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka diirada lagu saarey mashaariicda horumarinta iyo doorashooyinka dib-u-dhacyadu hareeyeen ee maamulka Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka lagu soo qaadey wada-xaajoodyadda hakadka ku jira ee dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo.

Beesha Caalamka ayaa lagu waramayaa in ay dedaal badan gelineyso sidii dhinacyada miiska wada-hadalka isugu imaan lahaayeen, mustaqbalka dhow.

Hogaanka dowlada federaalka iyo Somaliland oo ku celceliyay in ay diyaar u yihiin wadahadalka ayaanan qaadin talaabo dhaafsiisan hadalkooda.

"Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada socon lahaa," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Biixi ayaa kasoo muuqday kulanka oo dibadjoog ka ahayd saxaafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM