Maxaa sabab u ah xariga Ciidamada Somaliland ee Cabdimaalik Coldoon?

Image
Laamaha amaanka ee magaalada Burco ayaana wali war ka soo saarin dhacdadan.

BURCO, Soomaaliya - Laamaha amaanka Somaliland ayaa markii labaad xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik Coldoon, xilli ilo wareediyo ay sheegeen in uu la kulmay tacdiyo kala duwan oo gaaraya Jir-dil.

Laamaha amaanka ee magaalada Burco ayaana wali war ka soo saarin dhacdadan oo dhalisay hadal badin, iyada oo dad badan ay u aaneeyeen xarrigan hadallo oo dhawaan ku dhawaaqay.

Cabdulmalik Caduun ayaa si kulul u dhaliilay heshiiska been abuurka ah ee maamulka Somaliland la galay dowladda Itoobiya isaga oo yiri:

"Aqoonsi hadii la helayo, iyo hadii aan lagu helaynba, heshiiska noocaas ahi waa danbi, waa gaf, waa halis, waa gumayn lagu gumaynayo dadkeena".

Somaliland waxa hadda ka socda dibadbax ballaaran oo lagu diidan yahay heshiiska qayb ka mid ah dhulka Soomaalida lagu siiyey Itoobiya, kaas oo ay dad badan oo Soomaaliyeed aaminsan yihiin inuu yahay heshiis beenaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM