​Maxaa Somaliland looga reebay Miisaaniyadda DFS?

Image

MUQDISHU, Somalia -  Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo ka hadlay Sababta Somaliland looga reebay Miisaaniyad sanadeedka dowladda Fededaalka Somalia, ee sanadkan 2017.

Beyle ayaa sheegay in Miisaniyadda dowladda hadda ay quseyso oo kaliya dowladda Federaalka iyo maamul xubnaha ka ah, kuwaasi oo loo qoondeeyay lacag gaar ah, oo laga siinayo Dhaqalaha xukuumadda.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Somaliland iyo dowladda Somalia uu u socdo Wadahadal dhanka siyaasadda ah, islamarkaana markii ay soo dhamaadaan lagu soo dari doono qeybsiga miisaaniyadda dalka.

“Markii Siyaasadda laga heshiiyo ayaa lagu soo dari doonaa Somaliland Miisaaniyada, taasina waqti dheer ayay qaadanaysaa, sidaasi darteed Bajadka hadda waxaa lagu soo koobay shanta maamul goboleed ee kale, gobolka Banaadir iyo dowladda Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Hadalka Beyle ayaa yimid markii Kulankii Shalay ee Baarlamaanka ku weydiiyeen Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland Sababta uu uga reebay Miisaaniyadda cusub Xuquuqda shacabka ay matalaan.

Si kastaba, Somaliland ayaa horey u shaacisay inay ka go’day Somalia 1991, inkastoo aysan wali helin aqoonsi caalami ah, sidaasi dareedna ay wado wadahadal ay la sameynayso dowladda Federaalka.

Somaliland ayaa dhowr jeer wadahadal la gashay dowladahii ugu dambeeyay ee dalka, laga soo billaabo xilligii Sheekh Shariif [2009 – 2012] illaa Xasan Sheekh [2012 – 2015], iyadoo qodobadii lagu heshiiyay aan wali dhaqangelin, qaybtoodna lagu kala kacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM