Midowga Yurub oo cambaareeyay dil Somaliland ku fulisay 6 qof

Image

HARGEYSA, Somaliland – Midowga Yurub ayaa si xoogan u cambaareeyay xukun dil toogasho ah oo shalay ay Somaliland ku fulisay lix maxbuus.

Danjiraha EU-da u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga, ayaa "xadgudub" ku tilmaamay dil-wadareedka ka dhacay xabsi ku yaalla Hargeysa.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dilalka noocan ah ay jebinayaan xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha.

Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa sheegtay in shaqsiyaadka xukunka lagu fuliyey lagu helay dambiyo lagu eedeeyay oo ah dil, wallow calaamad su'aal la geliyey in ay heleen nidaam garsoor oo cadaalad ku dhisan.

Sidda ay wararku sheegayaan, laba kamid ah xubnaha la toogtay ayaa loo haystay eedeymo ku saabsan in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Dilka ayaa noqonaya midkii ugu horeyay oo degaanada Somaliland laga fuliyo mudo ka badan 10 sano.

Somaliland ayaa kamid ah maamullada ay ka jiraan caburinta xorriyada hadalka iyo saxaafadda madaxa-banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM