Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay ismiidaamintii Muqdisho

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa fal "bahalnimo ah" ku tilmaamay is-miidaamintaas oo khasaaro kala duwan sababay.

Hoos ka akhriso qoraalka Cirro

Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!

"Xamar dhaxal umay helin
In dhiig korkeeda lagu qubo
Xamar dhaxal umay helin
In dadkeeda lagu dhibo..." Abwaan Laabsaalax.


Inta la xaqiijiyey 100 qof oo u badan arday ayaa ku naf-waayey weerarkaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo uu wadday naftii halige.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ayaa dhacdadaas ku eedeeyay ururka Al-Shabaab.

Cirro ayaa kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ee cambaareeya falal liddiga ku ah ammaanka ee ka dhaca Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM