Muran ka taagan ansixinta Miisaaniyadda Somaliland ee 2019

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gollaha Wakiilada Somaliland ayaa dib ugu celiyay miisaaniyadda sanadeedka 2019, taasoo Xukuumadda usoo gudbisay kadib markii lagu ansixiyay kulan Gollaha Wasiiradda horaantii bishaan.

Gudoomiyaha Guddi Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Baarlamaanka Somaliland, Cumar San-wayne ayaa daboolka ka qaaday in Miisaaniyada ay ku jiraan "qaladaad fara badan oo loo baahan yahay in la saxo".

Qaladaadka uu farta ku fiiqay Xildhibaanka, waxaa kamid ah in Agaasimayaasha Wasaaradaha loo kordhiyo Mushahaarka, balse, aan la kordhin gunnada Xildhibaanada, taasoo uu xusay inay tahay mid aan la aqbali karin.

"Waxaan u baahan nahay in Xildhibaanada lala simo mushahaarka loo qoray Agaasimayaasha Wasaaradaha,” ayuu mudanaha ka sheegay Fadhigii ugu dambeeyay ee Gollaha uu yeeshay, kaasoo qabsoomay Talaadii.

Xildhibaano kale oo hadal-jeedin sameeyay ayaa aad wal-wal uga muujiyeen canshuur dheeraad ah oo ay xukuumaddu kusoo dartay Miisaaniyadda, iyagoo ku baaqay in ugu yaraan wax laga dhimayo.

Intaasi kadib, Golloha waxay cod wada-ogol ah ugu yeereen Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, inuu ku hor-yimaado Gollaha sida ugu dhow uguna macquulsan, si su’aallo looga waydiiyo.

Horaantii Todobaadkan ayay ahayd markii Wasiir Sacad uu hor-tegay Gollaha, isagoo fahfaahin ka siiyay Miisaaniyada xukuumadda ee sanadka 2019, taasi oo cadadeedka wali aan lasoo bandhigin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM