​Murashaxiinta Somaliland oo Shahaadooyin la siiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Guddiga oorashooyinka maamulka Somaliland ayaa  Shahaadooyin guddoonsiiyay Lixda Murashax ee ku tartamaya doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dhacdo horaanta bisha November.

Kulankan oo ay joogeen Mas'uuliyiinta Guddiga iyo Axsaabta hogaankooda ayaa ahaa mid lagu shaacinayay in Lixda murashax ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka u tartamaya ay buuxiyeen shuruudihii looga bahnaa.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa tilmaamay in shacabku u codayn karaan xubnaha ay soo xusheen Axsaabta doorashada ee kala ah WADDANI, KULMIYE iyo UCID.

“Waxaanu  iskugu nimid in aanu idin gudoonsiino Lixda musharax ee sadexda xisbi  qaran shahaadooyinkii sharciyan ka dhigayey inay u taagan yihin  doorashadda soo socota iyagoo kala ah musharax madaxweyne iyo madaxweyne  ku xigeen, maanta laga bilaabo aad tihin lixda musharax ee tartankaasi  ka qaybgalaya,” Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Dhinaca kale murashaxiinta kala ah; Muusa Biixi Cabdi (Murashaxa KULMIYE), Cabdiraxmaan Cirro (Murashaxa WADDANI) iyo Faysal Cali Waraabe (Murashaxa UCID), ayaa cod midaysan ku sheegay inay ku faraxsanyihiin maqaamka ay soo gaareen iyo dadaalka guddigu ku bixiyay in doorashadu dhacdo muddo bil iyo maalmo ah kadib.

Waxay qireen inay ku qanci doonaan Qadarta iyagoo ALLE ka baryay in qofkii wada Maslxada Shacabka iyo dalka uu u dooro shacabka Somaliland.

Qaar kamid ah murashaxiinta ayaa tilmaamay in dowladdu gaabis ka samaysay qabsoomidda waqtigii doorashada loo asteeyay, balse ay ku qanacsanyihiin Qadarta ALLE.

"Geedi dheer baynu soo soconay oo ahaa in aynu maanta halkan soo gaadhno, laba sanno ka hor ayey ahayd inaynu halkan soo gaadhno, waa Qaddar allle inuu ilaahay maanta ina soo gaadhsiiyey,” Sidaas waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM