Muuse Biixi oo eryay saddex wasiir iyo wakiilkii Somaliland ee Itoobiya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa xil ka qaadis ku sameeyay saddex kamid ah wasiirada xukuumadiisa iyo wakiilkii maamulka gooni isu taaga ah fadhiyay dalka Itoobiya.

Sidda ku cad wareegto ku taariikheysan 14-ka April 2019, wasiiro cusub ayaa loo magacaabay jagooyinkaasi, wallow aanan lagu xusin bayaanka sababta loo eryay mas'uuliyiintii xilkaasi haysay.

Warar ayaa sheegaya in ay qayb ka tahay isbedal uu hogaamiyaha maamulka Hargeysa uu ku sameynayso xukuumadiisa oo ay qaab dhismeedka ku qanac-saneen xubnaha ka aragtida duwan.

Mas'uuliyiinta cusub ayaa kala ah; Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Caafimaadka, Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi, Wasiirka Qorshaynta iyo Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha.

Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa horey u ahaa wasiirka qorsheynta iyo horumarka ee maamulka Somaliland oo haatan ay muuqato in uu daaqada ka baxay.

Waxaa intaasi wehlisa in la eryay Axmed Xassan Cigaal oo ahaa wakiilkii maamulka Somaliland u fadhiyay dalka Itoobiya, waxaana booskaasi loo magacaabay Salaan Xasan Kayd Cabdille.

Illaa iyo haatan kama aysan fal-celin mas'uuliyiintaan go’aanka uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu jagada uga xayuubiyay.

Dabayaqaadda bishii hore ee Maaj ayay ahayd markii uu sidaan oo kale xilka ka qaaday Muuse Biixi wasiiro kamid ahaa xukuumadiisa kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku tagrifaleen hanti dadwayne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM