Muuse Biixi oo iclaamiyay shir lagu xalinayo colaada gobolka Sool

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay shir-wayne ujeedkiisu yahay sidii xal loogu heli lahaa colaada ka taagan tuulada Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Hargeysa iyo wafuud kale ayaa maalmaha soo socda ay gaari doonan degaanka, iyaga oo la fariisan doono beelaha u dhaxeysa colaadda Dhumay.

“Waxay marti u yihiin dowlada Somaliland. Inta ku hadasha Afka Soomaalida, waxaan ku martiqaadaynaa inay kasoo qayb-galaan shirkaasi,” ayuu yiri Muuse Biixi oo ka hadlay xuska 25-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska ciidamada Booliska Somaliland oo Hargeysa laga xusay maanta.

Madaxwayne Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahad-celiyay wafdi Odayaal dhaqameedyo ah oo dhinaca Puntland uga yimid xalinta colaada Dhumay, oo ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux, tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Somaliland ayuu faray inaanu ku dhex-milmin arrimaha taagan, isagoo carabka ku dhuftay inay jiraan shaqsiyaad uusan magic-dhabin oo doonaya inay siyaasadeeyaana colaada degaanka Dhumay.

"Ciidamada Qaranka Somaliland waxaa ku amrayaa in aysan fursad siinin dadka doonaya inay ka faa’ideystaan, iyo in aysan waxyeelo ugeysan,” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxwaynaha oo u muuqday mid luqad adag ku hadlaya.

Waa markii labaad oo uu ka hadlay Muuse Biixi colaadda dib uga soo cusboonaatay tuulada Dhumay, halkaasoo gacan ku hayntiisa ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland xili maamulka Gaas uu ku eedeeyay Hargeysa inay “soo abaabushay”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM