Muuse Biixi oo ka hadlay jabhadda ka dilaacdey Buurta Gacan Libaax

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu codsadey in khilaafka siyaasiga ah lagu xaliyo wadahadal.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay munaasabad, Muuse Biixi Cabdi, ayaa walwal waxa uu ka muujiyey kacdoonka ka dhanka ah maamulkiisa ee ka soo baxay Buurta Gacan Libaax.

Balse, Biixi waxa uu hoos u dhigay khatarta ka iman karta jabhaddaasi, isagoo sheegay in aanay shacabka Somaliland danaynayn inay colaad dhexmarto.

Madaxweyne Biixi waxa uu carabka ku dhuftay in la buunbuuniyay in maleeshiyaadkaasi ay baraha bulshada ku sheegaan in ay khatar weyn ku yihiin.

Waxa uu ku tilmaamay ficiladooda in ay sabab u tahay loolan siyaasadeed oo caadi ah oo inta badan ka dhasha xilliga doorashada, isaga oo shacabka u xaqiijiyay in xaaladdu aysan ahayn sida la sheegay.

"Waxaan aaminsanahay in aysan jiri doonin dhibaato weyn," ayuu si kalsooni leh u xaqiijiyay Madaxweyne Biixi. "Shacabka waxaa ka go'an nabadda, mana jirto diyaar u ah dagaal gudaha ah."

Madaxweynaha ayaa intii uu madashaasi ku sugnaa waxa uu si toos ah ula hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah, isaga oo u balan qaaday in khilaafkoodu aanu la kulmi doonin caburin xukuumadeed.

Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay doorashada la wada sugayo, isagoo caddeeyay inay dhici doonto goor dhow, isagoo aan cayimin waqti cayiman.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Jabhadda Axmed Cali Haybe, ayaa ku andacooday in dhaqdhaqaaqyada Maleeshiyada ee muddooyinkii u dambeeyay ka waday Buuralayda ay jawaab u tahay in Madaxweyne Biixi awood u adeegsado Mucaaradka.

Arbacadii ina dhaaftay ayay ahayd markii kooxaha gadoodsan ay degmada Goday-weyn ka qafaasheen sideed sarkaal oo isugu jira saraakiil ciidan iyo odayaal balse saacado badan kadib way usoo celiyeen xorriyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM