Muuse Biixi oo la kulmay Danjiraha Britain ee Soomaaliya

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargaysa kula kulmay Danjiraha dowladda Britain u qaabilsan dalka Soomaaliya David Concar.

Sidoo kale kulankan labada mas'uul waxaa ku weheliyay madaxda xafiiska England ay ku leedahay Somaliland RosieTapper.

Kulankan oo yimid maalmo yar kadib markii Muuse Biixi ku guulaystay doorashadii dhacday 13 November, waxa uu salka ku hayay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo England.

Qoraal kooban oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay, "Waxaan la kulmay Safiirka Somaliland iyo Somalia David Concer oo ay weheliso madaxa xafiiska Britain ee Hargaysa, RosieTapper, waxaana kawada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa labada dal."

Faah faahin intaas ka baxsan kuma uusan darin qoraalkiisa Madaxweyne Biixi, balse arrintan ayaa qayb ka ah wada-hadalo iyo booqashooyin ay ugu imaanayaan madaxweynaha cusub wadama daneeya Somaliland.

Somaliland ayaa dhawaan dooratay Madaxweynihii Shanaad tan iyo markii maamulkaas uu ku dhawaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka hirgalay nidaamka axsaabta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM